Waxyaalaha aad ubaahantahay si aad u Maamushid Team/group

Allaale
3 min readJul 14, 2019

--

maamulid koox ama team, waa riyo ku jirta ciyaal walba, lkn xaqiiqdaa waxay tahay maamulku ma’aha tan aynu ku daawano filimaanta balse way ka adagtahay sida aad moodayso…

shirkad walbaa ama team walbaa wuxuu leeyahay siyaasad u gaara oo uu iskula xidhiidho dhexdiisa ama isku maamulo, waxaanay soosaaraan ama sameeyaan xirfad gaara oo ay miiska keenaan

ogsoonaw shirkad walbaaba waxay leedahay kumanaan hadaf oo kala duwan waanay adagathay sidii ahmiyado loo kalan siin lahaa hadafyadaa si hadaf walba guul looga gaadho ama loo dhamaystiri lahaa iyo waliba cidii hawshan qaban lahayd

inaad noqotid maamule saamayn leh

kaliya uma baahnid inaad noqotid maamule sharafleh ama dabeecad wanaagsan ee waxaad u baahantahay intaas wax kabadan

halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa dhawr sifo oo loo baahan yahay inaad samayso si aad u noqoto maamule saamayn ku leh shaqadiisa iyo teamkiisaba

1. ARAGTI

xagay ku socotaa shirkadaadu?

shaqaale noocee ah ayaad haysataa?

sideed isku waa fajin kartaa shaqaalaha aad haysato iyo shirkada hadafyadeeda?

hadaf la,aantu waxay teamka ku ridaa jaahwareer iyo inay shaqaalahu kala saari waayaan meesha loo socdo iyo hadafyada la rabo in la xaqiijiyo iyo waliba kala garashada hadafyadu sida ay ukala horeeyaan, ka maamule ahaan waa inaad shaqaalaha u noqotaa hogaamiye arki kara meesha loo socdo, iyo hadafyadu sida ay u kala horeeyaan, keebaa muhiima, keebaa u baahan inaynu xooga saarno , keebaa u baahan inaynu cid kale la kaashano!

hadaba sidaad usamay kartaa Aragti Fiican

waa inaad u halgantaa si aad u samayn lahayd wada shaqayn iyo xidhiidh wanaagsan oo team kaaga ah , wada shaqayntu teamku waa udub dhexaadka shaqada idin hortaala , fadlan la kaasho cid kaaga aragti dheer hawshan waayo team sida layskugu xidhaa way dhib badan tahay lkn way midho macaantahay

2. ISGAADHSIIIN FIRFIRCOON

Inaad ahaato maamule firfircoon isla markaana ah mid had iyo goor shaqaalihiisa waydiiya hawlaha xagay marinayaan iyo inay la kulmeen wax caqabada oo ka hortimi iyo sida loo xaliyay caqabada lafteeda hadii ay jirto waxay ku imanaysaa isgaadhsiin firfircoon oo joogto ah oo aad la yeelato teamkaaga ama shaqaalahaaga , kor joogaynta iyo inaad ka war hesho shaqaalaha waxay shaqada ka dhigtaa mid guulaysata.

3. NIDAAM

inay wax walba ahaadaan mid nidaamsan waa ta fudaydisa inaynu shaqada si wacan u qabano , miis diyaarsan , office qurux badan , computer , iyo xitaa software kii aad ku shaqayn lahayd oo kuu diyaarsan waxay ku galinaysaa dhiirigalin wanaagsan wax walbaana waxay ku soconayaan sidii loogu talo galay, markaa nidaami xafiiskaaga shaqada iyo qalabka aad ku shaqaynaysaba

4. XIRFAD FARSAMO

way adagtahay inaad xushmayso hogaamiye bilaa xirfada, ama aan garanayn sida shaqaalaha loo qanciyo, amase aan aqoon san karin hawsha markaas gacanta lagu hayo, hogaamiye dhaba ma noqon karo hogaamiyaha aan garan karayn waxay shirkadiisu ubaahantahay si ay u gaadho guulo la taaban karo ogsoonow shaqaaluhu waxay u baahan yihiin xirfad aad ku hogaamin karto si loo helo shaqo dhamaystiran

5. KALSOONI

isku kalsoonaantu waa shay qaaliya , kalsoonidu waxay ka timaadaa markaa aad naftaada si saxa u baratid hadaba dhis meelaha aad isleedahay waad ku liidataa, hadaad dhisto meelaha aad ku liidato waxaad noqon doontaa hogaamiye isku kalsoon shirkadana meel wacan ayaad gaadhsiinaysaa lana shaqee teamkaaaga waydiisana caawimo hadaad u baahato

6. CADAALAD

ma jirto niyad jab kaga wayn shaqaalaha kala eexashadu,cadaaladu waa shay cajiiba oo ubaahan inaad mar walba aad maanka ku haysid, ka maamule ahaan waxa lagaa rabaa inaad u cadaalad samayso shaqaalahaaga, kuma lihi makala jeclaan kartid oo dabcan shaqaaluhu way kuu kala soocan yihiin had yo jeerna waxaad danaysaa ama aad ka heshaa ka ku maqla , kaa farxiya shaqadana ku fiican, way haboon tay in la jeclaado ama lala saaxiibo kaas oo kale, la saaxiib laalkiin ha dareen siin shaqaalaha kale waayo waxay dareemi doonaan cadaalad daro ama kala dhawaysi, ku dadaal mar walba si aad u qarsan lahayd dareenkaaga!

--

--

Allaale
Allaale

Written by Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist

No responses yet