Waa Maxay Digital Marketing!?

Allaale
4 min readMar 13, 2021

Digital marketing waa xidhmooyin ku xidhan internetka kuwaasoo ku xidhan shabakado kala duwan kuwaaso aad kala socan kartid dhaqdhaqaaqa macaamiishaada adoo dhxjooga gurigaaga, xafiiskaaga , iwm adoo ka istimaalayaa laptopkaaga,mobilkaaga, tapletkaaga iyo wax walbaaba oo ku xidhan internet ka. waana meelkuu sahlaysa inaad alaabtaada ama xirfadaada aad kusoo bandhigi karto.

Kawaran hadaan ku idhaahdo maaalinba maalinta ka danbaysa dadka isticmaalainternetku way sii badanayaan. tani waa xaqiiq waxaana laogaaday inay koru kacaan %5 sadexdii sano ee danbaysay. tani waxay fursad siinaysaa dadka ku dhexleh meheradaha internetka.

Malasocotaa

Suuqgayntu ugu muhiimsan uguna wanagsani inay tahay kaliya inaad beegsato macaamiishaadu meesha ay joogaan iyo waqtiga ay xaadirka yihiin. maxaan kawadaa meesha ay joogaan? yacni waa aaladaha ay ugu isticmaalka badan yihiin sida facebook,instagram,twitter,linkedin iwm.

hadaba maanta taasi waxay macnaynaysaa inaad marwalba maanka kuhayso macaamiishadu halka ay inta badan ku bixiyaan waqtigooga.

Sida aynu wada oghanay Digital marketing’ku waa suuqgaynta casriga ah ee haatan socota waana meel kuu sahlaysa inaad dadbadan oo macaamiishada aha aad kul kulanto, sida emails’ka,websitekaga,platforms’ka kala duwan sida Facebook,Instagram,Linkedin,Snapchat,Pintrest,TikTok iwm.

5 Qodob oo uu kaga wacan yahay Digital Marketing’ku Traditional Marketing’ka

  1. Jabnaan

Suuqgaynta iyo xayaysiintu waa waxyaalaha ugu culus ee ganacsiyadu ku bixiyaan kharashaadka ugu badan. laakiin ganacsiyada waawayni wax wayn uma arkaan inay kharashaad faro badan ku bixiyaan xayaysiinta iyo suuq gaynta, waayo waa ay xamili karayaan, laakiin ganacsiyada yaryari had iyo jeer waxa ay dhib sadaan kharashaadka faraha badan le ee ay ku bixiyaan xayaysiinta iyo suuqgaynta oo marmarka qaar kuba keena mid aan soo celin wixii la galiyay. ogow kharashaadka lagu bixiyo xayaysiinta iyo suuqgayntu waa inay soo celiyaan in kabadan intii lagu kharash gareeyay.

hadaba xayaysiinta iyo suuqgaynta casriga ah waxa ay kuu sahlaysaa inaad kharash kooban aad galiso xayaysiis mahaaga. waxa laga yaabaa inaad kharash jaban ku hesho macaamiishaada Email’kooda, isla markaana aad hadhaw aad u adeegsan karto inaad si toosa aad u beegsan karto kun macaamiil oo aad Email’kooda aad si jaban ku heshay.

2. Soo celin kasaraysa Maal galinta

Waa run ma jiro ganacsiga wax kaga xun in ay kala yaraadaan Maal galinta iyo wixii kasoobaxay.

Xayaysiinta casriga ahi waxa ay ku siinaysaa maal galin yar iyo soo celin ka badan intii aad ku maalgalisay xayaysiinta. tusaale hadii aad rabto macaamiishaada Email’kooga isla markaana aad adeegsanayso suuq gayntii hore dantu waxay kugu qasbi lahayd inaad mid mid ugu tagto macamiishaada ama aad ula hadasho mid mid taasina waxa ay kugu faro badinaysaa kharashka kaa galaya. laakiin xayaysiinta iyo suuqgaynta casriga ahi waxa ay kuu sahlaysaa inaad kharash yar aad ku heli karto macaamiishaada Email’kooga adigoo aan kharash badan galin isla markaana aan waqti badan galin.

3. Si fudud ayaad u Cabiri karaysaa

Xayaysiinta iyo suuqgaynta casriga ahi waxa ay kuu sahlaysaa in aad kala ogaan kartid isla markiiba in aad ku guulaysatay iyo in kale fikradaada xayaysiisaneed. laakiin xayaysiintii hore waa ay adkayd inaad si dhaqso ah ku ogaatid in aad ku guulaysatay xayaysiintaada iyo in kale, waxa ay kaa rabtay inaad bilo ama sanado eegto in xayaysiintani ama suuq gayntani ay faa’ido u leedahay macaamiishaada iyo ganacsigaagaba.

4. Inaad kala qaybiso xayaysiintaada iyo suuq gayntaada

Muhiimada ugu wayni ee xayaysiinta casirga ahi leedahay waa inaad awood u yeelan kartid inaad kala saarto ama aad kala qaybiso xayaysiintaada iyo suuqgayntaada. taasina waxa ay kuu sahlaysaa inaad si waafi ah aad u beegsan karto macaamiishaada adoo u kala qaybinaya isla markaana isku raacinaya hadba inta alaabaha iyo adeegyada ay isla markaa danaynayaan. tusaale hadii aad haysato meherad gada dharka raga iyo dumarka waxa lagaa rabaa inaad kala qaado xayaysiinta aad u samaynayso meheradaada adoo ka dhigaya ugu yaraan laba qaybood sida mid u gaara dumarka iyo mid ugaara raga oo kaliya. taasina waa ay adag tahay inaad ku samayso xayaysiintii hore laakiin xayaysiinta casriga ahi waxa ay kusiinaysaa fursad aad ku kala qaybin kartid suuq gayntaada adigoo u kala qaybinaya baahidooda,jinsigooga,da’dooda,meesha ay kala joogaan iyo xiisahoogaba. waxa laga yaabaa inaad is waydiiso kharash intee leeg ayaa ku baxaya, jawaabtu waa kharashka ugu yar ayaa ka galaya xayaysiintan casriga ah waxa aanad ka helaysaa soo celin aad u badan.

5. Kobcinta Ganacsigaaga

Ganacsatadu waxa ay u adeegsadaan suuqgaynta casriga si ay u kobciyaan isla markaana ay kor ugu qaadaan magaca shirkadooda. iyagoo adeegsanaya sida shabakad aad loo habeeyay, bogag ay kusoo bandhigaan alaabahooga iyo adeegooga oo aad loo farshaxameeyay , bogag ay wax ku baraan macaamiishooda iyaga oo usoo ban dhigaya qoraalo faa’ido u leh, social media aad loo habeeyay sida facebook , twitter , linkedin , instagram iwm.

Muhiimadu waa -> kasbashada macaamiisha iyo haysashada macaamiishu waxa ay ku xidhantahay hadba inta aad soo bandhigto adeega iyo alaabaha aad hayso. taasina waxa suurto galin kara qarnigan xayaysiinta casriga ah iyo suuqgaynta casriga ah.

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist