waa maxay Data Structure ?

Allaale
2 min readOct 5, 2019

--

si fudud aan kuu fahansiiyo!! data structure waa sida weel ama koontiinar oo kale, kaasoo inoo kaydinaya xogteena ama data’deena kuna kaydinaya meelo kala gaara . Kaydinta xogteena/data’deena aynu ku kaydsanay koontiinarka meelo kamida ayaa waxay sahlaysaa inaynu data’deena siyaabo kala duwan u isticmaali karno .

fiiro gaara: xog walba oo aynu kaydinaayi waxay noqon kartaa data structure ha ahaato integer, float , boolean , char , etc

Maxaynu uga baahanahay Data Structures?

Data structure waxa loo isticmaalaa kaydinta xogaheena iyagoo qaabaysan , waxaanay xogteenu noqonaysaa mid uu computerku si fiican u fahmi karo waxaanay inaga caawinaysaa inaynu ku xalino dhibaatooyin faro badan oo inaga haysan lahayd kaydinta xogta iyo helida xogtaba.

Carqalad walba oo ay ahaataba waad u adeegsan kartaa si aad u xaliso kaydinta xog, ha ahaato inaad kaydiso shaqaalaha mushaharkooga , sarifka lacagaha iyo is badalka cimilada aduunka .

Waa inaad ku qotimasaa kaydinta xogtaada xeerar kala duwan , hase ahaatee xogtu mar walba waxa ay u baahan tahay in lakaydiyo laguna kaydiyo meel la isla ogyahay lana raaco hab la isla ogyahay taasoo ka dhigaysa xogteena mid caafimaad qabta , guusha ugu wayn ayaa waxa ay tahay xogteena siyaabo kala duwan ayaynu u kaydin karnaa inagoo ku kaydinayna meelo kala duwan una kaydinayna siyaabo kala duwan!!!

Hababka caamka ah ee loo kaydiyo xog/data structures

1.Array

2.Stack

3.Queues

4.Linked List

5.Trees

6.Graphs

7.Hash Tables

--

--

Allaale
Allaale

Written by Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist

No responses yet