Algorithm waa habab is dabayaala oo loo habeeyay inay shaqo qabtaan. shaqadaasi ha ahaato mid fudud sida isku gaynta laba tiro, ama ha ahaato shaqo adag sida inay xog is daba taala kaaga soo helaan Facebooka ama twitterka.
sideedaba hababkani waxay xal u yihiin dhibaato aad rabto inaad si fudud ku xaliso. matalan kasoo qaad waxa aad rabtaa inaad dhisto programm kuu samaynaya quraacdaada maalin kasta. hadaba sidaad u dhisaysaa programmkaa inagoo og in computerku aanuu fahmin luuqada aynu ku hadalno. dabcan waa inaad adeegsataa luuqadaha uu fahmi karo computerku. hadaba adoo adeegsanaya luuqad uu fahmi computerku ayaa loo baahan yahay inaad raacdo hab habkaas ayaa noqonaya algorithm, ha ahaado habkaasi mid xun oo adag ama mid wanaagsan oo dhaqso badan.
Algorithmka waxaa ka dhiga mid wanaagsan oo la amaano laba qodob
1: Saxnsanaan
Waa inuu yahay hab saxsan isla markaana qaban karaya shaqadii loodiray isagoo u qabanaya si saxa soona saaraya jawaab saxa. eeg marmarka qaar waxa laga yaabaa inaad dhisto hab saxsan oo shaqadii aad rabtay qabanaya laakiin aan kusiinayn jawaab saxa ama kusiinaya jawaab laga saxsani badan yahay ama laga dhaw yahay.
2:Hufnaan ama Dhaqso badnaan
Waa inuu yahay hab saxsan isla markaana qaban karaya shaqadii loo diray isagoo uqabanaya si saxa soona saaraya jawaab sax ah kuna soo saaraaya jawaabta waqti kooban. waa inuu ahadaa hab garan karaya meesha ugu dhaw ee uu shaqada ku dhamayn karo isagoo soo saaraaya jawaabtii saxda ahayd ee loo baahnaa. waxa laga yaabaa inaad dhisto hab saxsan kuuna soo saaraya shaqo sax ah laakiin qaadanaya waqti badan si uu kuu siiyo jawaab sax ah, habkaas oo kale waxa lagu magacaabaa hab xun laakiin shaqadaada kuu qabanaya.
Hadaba aynu dib ugu noqono programkii inooo sameenaayay quraacda
sideedaba algorithmku waxa uu adeegsada hab la dhaho psuedo code oo ah mid bini’aadmigu fahmi karo hadaba aynu isku dayno inaynu qorno hab fudud laakiin inoo qabanaya shaqadaii aynu rabnay.
waxaynu haysanaa Mindi,Furin/Roodhi,malqaacad, Subag, flaas Shaaha iyo koob
ALgortihmku si uu shaqada u bilaabo waa inaynu barnaa sida ay shaqadu ukala horayso.
1: Kusoo qaad gacanta bidix Furinka/Roodhida
2: Kusoo qaad gacanta midig Mindida
3: Kujeex mindida Roodida / Furinka adigoo kabilaabaya afka hore ee Roodhida/Furinka kuna dhamaynaya afka danbe ee Roodhida/Furinka
4: Iska dhig mindida
5: Kusoo qaad malqaacda gacanta midig
6: Dar Subaga Soona qaad
7: Mari Subaga Roodhida/Furinka
8: Iska dhig malqaacada
9: Iska dhig Roodhida /Furinka
10: Fur Falaasta Shaaha ah
11: Kushub shaaha Koobka
12: Xidh Flaasta
13:Diyaar
Dabcan waad aragtaa inta jaranjar ee aynu qaadnay si aynu u helno Hab inoo sahli kara samaynta qureecdeena, waxa laga yaaba inaad is waydiinayso maxaa waxan oo jaranjar ah loomarayaa miyaa aayar la dhaho Roodhida jeex kadibna mari subaga kadibna koob shaaha ii shub, bas. Hadaba arinku sidaas uma fududa oo Computerku ma fikiro caqlina male mana garan karo waxa aan loo sheegin, tusaale hadii aan ku dhaho beedka kujira talaagada ii keen markiiba caqligaaga ayaa garanaya xaga loomaro talaagada sida loo furo talaagada sida looxidho talaagada iyo sida loo raadiyaba hadanad khaanada sare aanad ka helin, laakiin computerku waa ka duwanyahay bini’aadamka oo waa inaad u sheegta jaranjar walba hadii kale habkaasi mid shaqaynkaraya ma aha.
hadaba Algorithmku waa uhabab badan yahay mid walbaana si gaara ayuu ushaqeeyaa waxaanay kukala tayo sareeyaan dhaqso badnida iyo saxsanaanta.
Hadaba ma adeegsatay waligaa algorithm adoo ku salaynaya nolol maalmeedkaaga.?
lasoco qaybaha danbe oo aan ku lafo guri doono qaybaha Algorithmka