Waa iska Caadi

Allaale
6 min readNov 15, 2021

burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya waxay ku keentay umada Soomaaliyeed burbur dhinac walba taabanaya , xaga dawladnimada,xaga sharciyada,xaga qawaaniinta caalamiga ah iyo dhamaan hanaankii dawladnimo..

buburkii dawladeenu burburtay qof walba oo soomaaliyeed waa ay saamaysay laakiin qofba si ayay u saamaysay laakiin talaga simanyahay ayaa ah in sharciyadii wadanku burburay, xitaa aqoontii loo lahaa sharciga ayaa burburay.

Qormadaydan maanta waxaan uga danleeyahay inaynu diirada ku saarno sharciyada soomaalidu dhayalstay ee loo maaro laayahay maanta ,taasoo inaga dhigaysa wadamada ugu musuqa badanle.

Document/Xogta kaydsan:

Document/xogta kaydsan ee muwaadinku waxay cadaynaysaa in shaqsigani maray hanaankii loo baahnaa ee sharciga wadankiisa ama ka caalamiga ahi dhigaayo. waa wax laysla yaqaano oo cad ,waxaa kamida xogta muwaadinka sida kaadhka dhalashada,passportka,warqada caafimaadka,warqada cadaynaysa danbi la,aanta,warqada meherka,shahaadada dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladaba oo ay ku jiraan jaamacadaha wadanka, liisanka gaadhiga,liisanka ganacsiga, iyo sharciyo kale oo ugaara wadanka

ila dhuux hadaba hal sharci oo aaynu baal marnay sida uu nolosheena burbur iyo hoog ugu yeeshay..

SHAHAADADA DUGSIGA SARE(HSC/SSC)

inta badan marka aad wadanka dibada uga baxdo ayaad kala ogaanaysaa shahaadada aad wadataaayi nooca ay tahay ma HSC mise SSC , inyar aan is dultaago labadan shahaado, HSC waa higher secondary certificate waana 12 sano halka SSC ay tahay Secondary school certificate waana 10 sano .labada shaahaado waa sax waana sharci in wadan walbaaba tuu doono qaato ama labadaba wada is ticmaalo sida india iyo wadamo kale oo caalamkaa..

Fpens ayaa hanaanka shahaado siinta ardayda soomaaliyeed u haysay tan iyo markii burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya burburtay , ma garanayo in ay fpens hoos tagi jirtay dawladihii kala danbeeyay ee soo maray soomaliya. laakiin arday badan ayay siiyeen shahaadooyin iyagoo aan u eegayn ardaygani ma dhamaystay dugsiga mise dugsiba maba galinba . waxaa aaad u hoosaysay in lakala garto ardaygii saxda ahaa iyo kii kale ee aan waxba dhigan ama soo booday,waxa kale oo aad u hoosaysay in lasii kala koobiyayn karo shahaadada iyadoo taasi sababtay in ay samaysmaan dhalinyaro ku shaqaysata hawshan taasoo ka dhigtay shahaadadii mid noocwalba leh oo midabyo dhawr ahi ku jiraan in la helo marmarka qaar shahaadooyin isku nambara ,kala midaba ,kala size ah,kala saxeex ah,kala sumad ah.

Taasi waxay sababtay in ay arday badani ku kulmaan jaamacado dibada ah iyagoo kala shahaadooyin duwan se hal magac wada wata taasaa keentay inay shaki ka muujiyaan jaamacadaha dibada ku yaala ee siiya deeqda waxbarasho ardayda soomaaliyeed. qaarkoodna ay joojiyeenba qaadashada arday soomaaliyeed sababo la xidhiidha shahaadooyinkooda oo qaladaad badan lagu arkay.

marka arday qalad shahaadadiisa lagu arko waxa uu hadyo jeer eeda saaraa wadankiisa kaas oo ku jawaaba waxaan ka imi gobol hebel gobolkaasna shahaado u gooniya ayuu isticmaalaa . taasina waxay sumcad xumo ku tahay wadankeena oo loo arkayo meel lays wada garab yaacayo oo aan haba yaraatee sharci mideeyaayi ka jirin.

Wadanka adigaa leh adiga ayaana hagaajisan kara waxaad sharci ku helayso Sharci daro ha umarin

Arday badan ayaa la daalaa dhacaysa sharci xumada ka jirta Shahaadooyinka wadanka lagu bixiyo

Photo by Felipe Gregate on Unsplash

is fahanka habka loo qoraayo magaca qofka:

imisa nooc ayuu u qormaa magacaagu !! tusaale magaca “cabdicasiis ”imisa nooc ayuu u qormi karaa !! bal ila eeg inta jeer ee aynu magacaa u qori karno 1:cabdicasiis, 2:cabdulcasiis, 3:Abdiasis, 4:abdiaziz, 5:Abdilaziz. sida aynu wada arkayno magaca cabdicasiis oo kali ahaata ayaa shan jeer is badbadalay, waxaa laga yaabaa in labo shahaado oo aad labo meelood kakala qaadatay ay isku si magacaaga ugu qori waayaan, waxaanad kala kulmim kartaa dhibaato aad uwayn taasoo marmarka qaar sababta shiki dhinaca shahaadada ah, waxa kasii yaab badan marka passportkaagu ka magac duwan yahay xaga qoraalka shahaadadaada taasi waxay keentaa shaki xaga shahaadada aad wadato. hadaba dawlada iyo dadkaba maxaa xal uga yaala arinkaas magacyada oo dhib wayn ku haya umadii soomaaliyeed……………………………………..

Dhibaatooinkani aynu kor kusoo xusnay waa hal dhibaato oo kaliya waxaanay u gaar yihiin ardayda soomaaliyeed oo kali ahaata, laakiin waxa jiraa dhibaatooyin faro badan oo oo haysta dadkeena aan ahayn ardayda oo kahaysta dhinac documentiga shaqsiga.

Qawaaniinta sharciga aduunka caalamiga ahi waa wax la isla garanayo oo cad mana aha wax ku xidhan dawalad amase ay dawladu daqli badan u baahnatahay si ay dadkeeda u barto qawaaniintan ee waa wax iska fudud oo laga rabo qofku in uu isagu is baro waanad baran kartaa runtii.

Wadankaaga sharaftiisu waa adiga sharaftaada.

Qormadan Runtii wax aad iigu dhaliyay dhibaato anigaygan qoraya qormadan aan la kulmay waagii aan waxbarashada ku jiray, waxa aan is arkay anoo ka shahaado duwan ardaydii kale ee soomaaliyeed, xitaa waxa aan ka duwanaa ku wii aanu isla gobolka kawada nimi. hadana fpens weeyaan waxa aanu wada haysanaayi hadana waa aanu kala duwanahay kaligayse ma ay ahayn ee dhamaantayo ayaba kala wada shahaado duwan.

Waxa kale oo igu dhaliyay oo aan run ahaantii aad uga gubtay hab dhaqanka yaala jaamacadaha dibada, iyaga oo marmarka qaar kugu jeesjeesaya niyadana kaa dilaaya ayay ardaygii ku odhanayaan faashil ayaad tahay oo abahaa ayaa faashil oo awoowgaa ayaa ahaa faashil oo wadankiina ayaa ah faashil,waayo maba garanaysid qawaaniinta waxbarashada caalamiga ah, waayo shahaadada aad wadato ayaanad sixi karayn “waa meelaha ugu hooseeya ee qof lagu qiimayn karo ee la odhan karo qof shahaadadiisii dugsigu aanay saxsanayn maxaa kale ee u saxsanaan kara”.

Maxaa lagu Xalin karaa arintan

  1. Arintan xalkeeda ugu horeeyaa waxa uu khuseeya qofka ardayga ama rabo in uu document ama xog kaydsado. Haa waxani waa xogtaadii in aad qaladka ka tirtir taana waa masuuliyadaada koowaad cidna haka sugin in ay kuu saxdo ee adigu saxo xogtaada.
  2. Waalidka waalidku waa in uu ilmihiisa ku tababaraa sida document ama xogta loo sigib tiro waayo marka ugu horaysa ee dugsi la qoraayo ilmaha cida qoraysa ee gacanta ku haysaayi waa waalidka, waa markaa marka laga rabo in uu waalidku u qori karo ardayga magac saxda ah ee uu wato inankiisu / inantiisu
  3. Macalinka ama Xog kaydiyaha haa macalinku ama qofka xogta kuu kaydinayaayi waxa uu leeyahay masuuliyad ah in uu kaa saxo sida la rabo in xogtaada loo kaydiyo. waa in uu ku waydiiyaa in xogtan aad kaydinaysayi ay hore ula xidhiidhsan tahay xogtaada shaqsiyadeed isaga oo hubinaay dhihida iyo dhigida magacaaga oo sadexan, waqtiga dhalashada, goobta dhalashada iwm
  4. Dawlada dowladu iyada ayaa ka masuul ah dhigista habraaca sida xogta loo kaydiyo sida ardayga, dhalashada, kala duwanaanshaha magacyada, iwm. Dawladu iyada ayaa laga rabaa ku haynta sharciga dhinaca xogta ah ee laga rabo qofka. waa in ay muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ahba ku hagtaa kuna tababartaa xogta saxsan ee laga rabo qofka si loo kaydiyo xog saxsan oo bad qabta lagana tix raaco xogaha soo socda oo dhan.
Photo by Ismail Salad Osman Hajji dirir on Unsplash

Hadii la iska indho tiro arinkan maxaa ka dhalan kara

Arinkan iska indho tirkiisu waxa uu inoo horseedayaa musuqmaasuq iyo dib u dhac mana jiri doonto cid ku kalsoonaan doonta documnetigaaga ama xogtaada. waxaanay dadkeenu noqon doono kuwo sharci walba iskaga tunta iyaga oo is leh waa iska caadi. waar magacaaga sax ayaad ku odhnaysaa suu ku odhanayaa mayee waa iska caadi, waar xiliga iyo goobta dhalashada iska sax suu kuugu jawaabaya mayee waa iska caadi. waa iska caadi waa iska caadi waa iska caadi …. wax caadi ah aduunyada lagama yaqaano kaliya kalmadan waxa adeegsada dadyawga dib u dhacay waayo dib u dhaca ayaaba u ah wax iska caadiya.

Talodayda ugu danbaysa ka muwaadin ahaan

kaliya waxaan kusiinayaa hal talo taasi waxa ay ku odhanaysaa sidan “Ha noqon isma lure ee ka adkoow isla markaana sigib tir oo ilaasho xogtaada, Xogtaada oo aad sigib tirataaye waxa y ku dhaxal siinaysaa horumar iyo kalsooni”

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist