Soomaalida iyo Technologyda

Allaale
5 min readAug 31, 2019

--

Technology‘du maanta waxay dunida ku keentay is badal xoogan oo la taaban karo, oo ku socda sida xawaaraha waqtiga oo kale. waxaynu nahay binni’aadam oo wax kasta oo aduunka maanta ka dhacaya inaga ayaa u aabaa. Hadaba waxaynu abuurnay oo aynu ikhtiraacnay technologyad si aynu ugu badalno nolosheena sida ugu fiican ,laakiin technolgydu iyada ayaa maanta badasha nolosheena il bidhiqsi walba ..

Robot yadu waa bini’aadam lamoodka aynu rabno inaynu haatan aduunka furihiisa u dhiibno , oo waqti dhaw Robot yada ayaa maamuli doona dunidan, waxaana hawshaas hirgalin doonta technolgyda sii kobcaysa maalinba maalinta ka danbaysa. technologyadu waa ta maanta ku guulaysatay in la ikhtiraaco Robot yar oo jidhka bina’aadamka dhex gali karaaya,warbixin ama xogna kasoo diri kara isla jidhka dhexdiisa.

dhinaca ganacsiga hadaan ka eegno , waxa la ikhtiraacay Artificial intelligence , cloud computing, machine learning ,predict analyzes iyo business intelligence tool, taas oo dhawaan kor u qaadi doonta xidhiidhka ka dhaxayn doona technologda iyo bini’aadamka sida kawar haynta xaaladooda caafimaad

technolgyadu waa hagaha nolosheena maanta caalamkan aynu ku nool nahay. hadaba faa’ido iyo qasaaro labadaba way inoo leedahay technologydu. bal aynu is yara dul taagno faa’idooyinka iyo qasaaraha technologydu u leedahay nolosheena maanta iyo ta mustaqbalkaba.

Technologydu waxay badashay habka aynu wax ubarano

Technoologiyadu waxay badashay habkii aynu waxbarashada u baran jirnay , maynaan awoodi jirin inaynu xogaha la xidhiidha waxbarashadaada ama kuliyadaada aad si fudud ku hesho , maynaan awoodi jirin inaynu xogaheena meel fiican ku kaydsano , maynaan awoodi jirin inaynu cidhifka caalamka casharka yaala aynu si sahlan ku heli karno , iskuuladu iyo meelaha wax lagu barto marmarka qaar guryaheena iyo xafiisyadeena way ka fogaayeen.

imika waxaasi oo dhan waxaa fudaydisay technoligyada .oo maanta adoo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga ayaad kuliyadaad doonto si sahlan ku baran kartaa kana heli kartaa shahaadooyin heer caalami ah sida (degree ,master and short courses ) waxaana jira shabakadooyin fara badan oolaga barto waxbarshada hab online ah.

Technologydu waxay wax kabadashay sida aynu u wada xidhiidhno

<a href=”https://www.freepik.com/free-photos-vectors/vintage">Vintage photo created by luis_molinero — www.freepik.com</a>

Maanta waxaynu haysanaa computer,internet,mobile,social media ,video conferencing tool iyo mobile Apps inoo sahlaya inaynu si fudud isku heli karno ama iskula xidhiidhi karno , ma jirin waqtiyadii hore waanay adkayd si aad fariin degdega ku heshaa . technologydu waa ta fudaydisay inay farimaheenu si degdega ku gaadhaan meesha aynu rabno. waqtiyadii hore fariin inaad heshaayi waxay qaadan jirtay bilo ama sanado ama todobaadyo laakiin hada wax walbaaba il bidhiqsiyo gudahood ayay ku dhacayaan , waxaanad diri kartaa ama laguu soo diri karaa fariin adoo adeegsanaaya Email,Facebook,mobile ,video calling iwm.

Technologyadu waxay waxay wax ka badashay Caafimaadkeena

<a href=”https://www.freepik.com/free-photos-vectors/woman">Woman photo created by rawpixel.com — www.freepik.com</a>

Technoologiyadu waxay saartay nolosheena gaadhi xawaare sare ku ordaaya. ilbidhiqsiyo gudaheed ayaad ku ogaan kartaa waxa dunida ka dhacaya isla saacadaas aad joogtid , kula saaxiibi kartaa kumanaan qof oo ku kala nool daafaha aduunyada, faa’idooyin fara badan ayay technolgiydu u leedahay nolosheena laakiin tayada ayaa ah mid aad u hoosaysa marka loo eego markii aanay jirin technoligyd baaxadan oo kale leh.

saamayn wayn ayay kuleedahay technolgydu caafimaadkeena mig togan iyo mid tabanba, maanta waxa farxadeena ama dhoola cadaynteena hogaamiya fariimaha aynu ka helayno socila media ha , aroor walba marka aynu kacno waxa ugu horeeya ee aynu qabanaa waa isticmaalka mobilka. waynu ku dhafarnaa eegista iyo ka jawaabista social media ha taas oo saamayn xun kule caafimaad ahaan iyo maskax ahaan jidhkeena .

shaqooyinkeena iyo waxbarashadeena ayaynu kaga habsaanaa taasoo marmarka qaar dhacdaba inad gudan kari waydo waajibaadkaaga, waxaynu dayacnay ama ilownay daryeelkii qoyskeena ama ubadkeena oo inagoo la joogna ayaynu hadana ka maqanahay ,muuqaalo ama sawiro xun ayaynu ka daawanaa social media ha taasoo caafimaad daro ku ridi karta nolosheena.

masiirkeena nololeed waxa saamayn xun ku yeesha fariin adag oo kaaga timi qof aad social media ha aad iska barateen, waxa laga yaabaa inaad bilo stress ku hayo, waxa laga yaaba xabad sawira oo si qaldan kaaga baxay inuu noloshaada mustaqbalkeeda soo gabagabeeyo .

xasuusteena iyo xifdigeena ayay hoos u dhigtay technoologydu

way adagtay inaad i stidhaahdo xafid nambar ka kooban toban nambar oo nambarka saaxiibkaa ama walaalkaa ah, ma is waydiisay ciladu xaga ay inooga timi , meelkale inoogama iman ee waa wahsi inoga imanaya dhinaca technolgyda taasoo ina bartay inaynaan waxb xafidin ee aynu wax kaydsano kuna kaydsano aaladaha aynu isticmaalayno sida mobilka,ipadka,laptopka iwm

hadaad eegto berigii hore aanay sidan usoo badan aaladahani, xifdidigu nolosheena ayuu kamid ahaa , ufiirso markaad dugsi quraan ka ku jirtay waxaad wax ku baran jirtay loox iyo khad taasoo la rabo inaad isla caawa casharka maanta laguu dhigay aad xifdiso isla baritana mid cusub laguu dhigo , xifdigeenu saas ayuu u sareeeyay maskaxdeenana kalsooni ayaynu ku qabnay wax walbana si sahlan ayaynu u ku xifdin jirnay .

inan dugsi quraan ku baranaya loox iyo khad

techologiyadu waxay wax ka badashay samirkeena iyo hab dhaqankeena

in ta badan waxaynu dhibsanaa fariimaheena in aan si degdega looga soo jawaabin, had iyo jeer waxaynu door bidnaa inaynu jawaab waafi ah ku helno hal daqiiqo wax ka yar. waynu dhibsanaa badanaa fariinta aynu sugaynaayi hadii ay ka badato laba minute , taasoo hoos udhigtay samirkeena iyo dulqaadkeena , saamayn wayn ayay ku leedahay technolgyada aad isticmaalaysaayi maalinkaaga ,waxa laga yaabaa inaad maalin dhan ka murugooto hal fariin ama codsi oo si degdega lagaaga soo jawaabi waayay .

hadaynu eegno waqtigii aabayasheen fariimo in la is waydaarsadaayi waxay qaadan jireen bilo,sanado iyo maalmo .

guntii iyo gunaanadkii technologyadu mid togan iyo mid tabanba way ku leedahay nolosheena, isku day adigu inaad uga faa’idaysato dhinaca horumarka………………………………………………………………………….

--

--

Allaale
Allaale

Written by Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist

No responses yet