“Somaliland socdaashoo samadaa dusheediyo xidigahay ku socotaa soonoqona maysee sinaan iyo walaalnimo aan kala sarayn jirin samaantiyo wanaagaa somaliland ku caantahay ”
“somaliland dhalin iyo waayeel dhamaantood siday u dhisteen dhulkoodii nabada u dhidbeen u dhidbeen u dhidbeen Allow dhawr” (nuur daalacay)
“somaliland gabi waysku guul ahaatoo ood kali ah wadaagtoo waa gacal is jeceloo gacmaha is haystee, gobonimada taal gayigeena wacan somaliland inlays garabsadoo dan gaara la nacoo dan guud loo guntado baynala gudboon” (xaawo kiin)
Bal aynu inyar oo murtiya heesahaa aynu is yara dul taagno .
Aan soo qaato tuduca ah “somaliland gabi waysku guul ahaatoo, ood kali ah wadaagtoo waa gacal is jeceloo gacmaha is haystee “”
Tuducane waxa uu ku tusinayaa wadan dagan , dadkiisu is jecel yihiin, dad isu damqadaa ay ku noolyihiin, isku guula , dhib iyo dheefbana wada qaybsada!!! Cajiiib ala erayada iyo ficilku kala duwanaa ! Xaqiiqda taala wadanku waa sidan “somaliland abid waysku waysku dulmi ahaatoo , ood kali ah wadaagtoo, waa gacal is naceboo gacmaha is haystee”
Xaqiiqdaa waxay tahay waxa qalbiyadeena ku jira ayaynaan cadaynayn,nin walbaaba qabiil buu daba ordayaa oo naftiisa ayuu wax walba la jecel yahay, inuu qabiilkiisu umada Kale ku tunto ayuu jecelyahay .
- Aan soo qaato murtida labaad ee aad moodo waxay dhahaaan nimankan aflaamta sameeyayi “behind the scene “” “somaliland socdaashoo samadaa dusheediyo xidigahay ku socotaa ,soona qona maysee sinaan iyo walaalnimo aan kala sarayn jirin somaliland ku caantahay “ !! Ala qurux badnaan lahaydaa haday halkaa hees dhab ii noqon lahayd !! (Oo ma dhab ayay kuu noqonaysaa inta dhamaanteen dhimanaha siyaasiga dhayal ku taageerayno) Dee waxay ka hadlaysaa wadan tagay oo horumaray oo caalamka la talaabsaday , dhinac walba ka dhisan. Haday noqoto maamul, baahiyaha aaasaasiga,waxbarashada,dhaqaalaha, caafimaadka,dhismaha wadooyinka ,cadaalada,Kabka dhalinyarta iyo dhinac walba oo laga rabo wadan horumar tiigsanaya!! Waa behind the scenes kaan kuu sheegaayaye bal eeg horumarka wadankeena
- Caasimad bilaa infrastructure ah
- Caasimad qashin la ciir ciiraysa
- Caasimad bilaa biyo ah
- Caasimad bilaa hiigsi ah
- Wadooyin burbursan
- Cadaalad xumo
- Qabyaalad faraha ka baxday
- Xigtaysi
- Shaqo la’aan
- Dhaqaale la’aan.
Intaas ayaynu horumar ka gaadhnay markaa ma dayaxaynu tagnay mise boodh ka ayaynu hoosta ka marnay !! Adaa sheegi lkn cidna ha u sheegin inoo qari sirteena
Lima taquuluuna maa laa tafcaluun yaa somaliland