PYTHON + HAL XIDHAALE XISAABEED

Allaale
3 min readDec 3, 2021
Photo by David Clode on Unsplash

ASC. Maanta waxa aynu samaynaynaa in aynu ku Xalino python programming hal xidhaale xisaabeed kaasoo ah mid lagu ogaanayo qofka da’diisa isaga oo laga soo dhex saarayo da’diisa nambarka kabaha uu wato.

Sida ay u dhacayso Waydiintu si loo ogaado qof da’diisa.

waydiintu waxa ay u dhacaysaa sida tan.

Ii sheeg nambarka kabaha aad xidhato iyo sanadkii aad dhalatay si’aan uga soo dhex saaro da’da aad jirto imika ? What ?

xagan macno badan masamaynayso marka aad maqasho waydiintan waayo qofku isaga oo aan ubaahnayn nambarka kabaha aad wadato ayuu ogaan karayaa da’daada mar hadii aad u sheegtay sanadkii aad dhalatay. laakiin xaga macnaha samaynaysa ayaa ah in nambarka kabaha aad wadato laga ogaan karo da’daada waana xaga ay ku jirto dagitaanku oo isla markiiba maskaxdaadu waxa ay lasoo boodaysaa sidee looga ogaan karaa da’dayda nambarka kabaha aan wato ? ha degdegin ee ila soco sidan ayaa loo soo saarayaaye .

Sida loo soo saaraayo da’da xisaab ahaan.

xisaabtu waxa ay ku odhanaysaa sida tan.

Soo saar da’da Ali, hadii Ali dhashay 1990, nambarka kabaha uu wataana ay yihiin 41 sanadka lagu jiraana uu yahay mid aan lagaranayn soo saar da’da uu haatan uu jiro Ali adigoo raacaya masaladan.

u qaado da’da Ali = X, uqaado nambarka kabaha Ali = Y * 100, uqaado Sanadka dhalasha Ali= M, Uqaado sanadka lagu jiro = V.

hadii Y = 41 , M = 1990, V = 2021, soo saar X ? adiga X ku helaya masaladan.

X = Y-M+V.

Hadii aynu masaladan kusalayno waydiintan isla markaana aynu soo saarno da’da Ali waxa ay noqonaysaa sida tan.

X = Y-M+V

X = 41 * 100–1990 + 2021 = 41,31

x = 41,31

Marka aynu helno jawaabta u danbaysa, waan in aynu kala qaadnaa tirooyinka oo aynu ukala qaadnaa laba tiro oo laba laba ah. labada hore waa nambarka Kabaha Ali, labada tiro ee danbena waa Ali da’diisa oo noqonaysa sida tan 41 nambarka kabaha Ali, 31 da’da Ali.

Xisaab ahaan hadii aad u fahantay bal ina mari aynu programming ahaana aynu u xalino masaladan. laakiin markan waa fudayd waayo sida loo soo saarayo qofka da’diisa xisaab ahaan ayaynu usoo fahanay. ogsoonow programming ka waxa qayb wayn ka ciyaarta oo ka dhigta mid si fudud loo qori karo xisaabta.

Programming ahaan sida loo xaliyo.

Python programming ayaynu adeegsan doonaa, taas oo aan u arko mid qof walbaaba si wacan u fahmi karo. qof walba oo bilaw ah, mid dhaxe, iyo mid sareba.

code ku waxa uu udhigmayaa sida tan.

Kaliya waxa aan kuu cadaynayaa anigu marka ay marayso in Y oo Ali da’diisa lagu garaaco boqol anigu waxa aan adeegsaday si kale oo ah in aan laba eber ku darsado tiro walba oo lagaliyo input ka inoo qaadaya Kabaha Ali. sababta aan u adeegsadayna waa masalada ayaa ku odhanaysa mar walba ku dar nambarka kabaha laguu sheego laba eber. laakiin adigu xor ayaad u tahay kii aad is ticmaashaba.

def ogaansho(kabo):


sanadka_dhalashad = int(input('fadlan xilima ayaa dhalatay'))
sanadka_laguJiro = int(input('Fadlan gali Sanadka lamaraayo'))
kalaJarid = kabo -sanadka_dhalashad + sanadka_laguJiro
kalaqaad = [kalaJarid]
digits = [str(x) for x in str(kalaqaad)]
cag = (digits[1] + digits[2])
age = (digits[3] + digits[4])

print(cag, 'weeyaan kabaha aad qaadato')
print(age, 'jir weeyaan dadaadu')
waydiin = input('kabaha aad gashato waa meeqa')
raaci = waydiin + str(00)
raaci = raaci + str(0)
raaci2 = int(raaci)
ogaansho(raaci2)

Ogsoonow tusaalahaygani waa hal tusaale oo kamid ah kumanaan tusaale oo aad Ku xalin karto Masaladan hab programming ahaaneed adigoo adeegsanaya python programming. fadlan isku day in aad si kale u xalin kartid Masaladan. Mahadsanid.

contacts: WhatsApp 63–4301777 | Email: mizaajuha@gmail.com

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist