LECTURE 2. BARASHADA PYTHON PROGRAMMING(BEGINNERS)

Allaale
4 min readMay 24, 2022
Photo by Markus Winkler on Unsplash

Lecture 2 Continue. Varaible tusaale 2

sida aynu kusoo baranay lecture kii hore, variable waxa aynu kusoo qeexnay meel wax inoo kaydinaysa, sida in aynu xogteena ku kaydsan karno, isla markaana aynu xogtaa isticmaali karno mar walba oo aynu ubaahanahay, sidoo kalana aynu lasoo bixi karno wixii aynu ku kaydsanay variable kaasi.

maanta waxa aynu baran doonaa tusaaleheenii labaad ee ku saabsanaa variable ka.

si aad variable u abuurto waxa la inaga rabaa in aynu marka hore u yeelno sumad ama magac, si aynu weelkaas magaciisa iyo waxa uu kaydinayaba ay uga soocdaan xogaha kale ee ku kaydsan memory ga computerkeena.

tusaale1

koob = "caano geel"
print(koob)
output: caano geel

hagaag sida inooga muuqata tusaalahan, waxa aynu samaysanay ama meel kamida memoryga computerkeena ka kiraysanay meel, meeshaas sumadeeda ama magaceeda waxa aynu u bixinay koob, python isla markiiba waxa ay garatay in shaygani yahay variable, isla markaana waxa ay inoo diyaarisay in aynu variable kaas sumadiisu tahay koob wax lagu shuban karo ama loo yeeli karo qiimo. kabacdi waxa aynu adeegsanay calaamada lamida (=) taas oo sheegaysa in koob oo ah variable ka magaciisa uu markani inoo qaadi doono value ama xog. xogtaasi waxa aynu ka dhiganay “caano geel”. imika koobkeenii waxa inoogu jira caano geel. isla line ka labaad waxa aynu waydiisanay python in ay bal inoo soo saarto koobka waxii aynu ku shubanay, si fudud ayaanay inoo tustay oo ay inagu tidhi wixii aad gashateeni waa kan oo ah caano geel.

Introducing Lists []

lecture kan waxa aynu ku baran doonaa “Waamaxay Lists, siday u shaqeeyaan, sidee loo isticmaalaa”.

Lists ama Xero waxay kuu sahlayaan in kaydsato xogo farobadan, ama hal xog iyo waxii kabdan . Lists ama Xero waa wax yaalaha ugu muhiimsan marka la isticmaalayo python. Sababtuna waa in aynu ubaahanahay mar walba in aynu ku kaydsano xogo faro badan inagoo ku kaydinayna hal xero(list).

Waa Maxay Lists(Xero)?

List(Xero) waa urur ka kooban ashyaa kaasoo leh amaro gaar ah. waxa aad xerooyinkaas ku xeraysan kartaa xarfo, tiro 0–9, ama magacaan. wax walba waad gashan kartaa xeradaas. shay walba oo ku jira xeradaasna waamid iskii u madaxbanan oo leh magac gaara. mid na ogsoonow list ama xerodu waa in aad u samaysaa magac iyada laf ahaanteeda sida xeroda adhiga, xeroda geela, xeroda lo’da. isla markaana waa in aad xero walba ku kaydsan kartaa hal shay iyo wax kabadan. waxa tusaale fiican ah in aad list ama xeroda markaad aad rabtid in aad magac ula baxdid in aad u bixisid magac jamac ah, sida xarfo, nambaro, ama magacyo.

Marka lajoogo Python, waxa aynu isticmaalaynaa [] labadan calaamadood si aynu u samaysano xero ama list. shay walba oo labadaas calaamadood dhexdooda la dhex galiyaa waxa loo aqrisan doonaa in uu kamid yahay shay kamid xerada. waxa lagu kala soocaa ashyaada ku jira xerada calaamada loo yaqaano hakadka (,).

Tusaale 1

gawaadhi = [‘toyota’, ‘hondai’, ‘v8’, ‘vx’]
print(gawaadhi)
output: [toyota, hondai, v8, vx]

waxa aynu samaysanay list ama xero aynu ku xarayno gawaadhida, taas oo magaceeda aynu u bixinay gawaadhi, isla markaana aynu ku xaraynay afar gaadhi oo mid walbaaba magac gooni ah wato xerodeenii []. isla xerodii ama listigii ayaynu ka dalbanay program ku in uu ina tuso bal waxa iigu jira xerodan. waanuu ina tusay oo outputka inoo soo baxayaa waxa uu noqday sida kaaga muuqata shaashada.

Hagaag, hadaba hadii aan rabo in aan lasoo baxo gaadhi kamida gawaadhida iigu jirta list’ga ama xeroda, kaliya waxa aan qorayaa qoraal u dhigan sida tan. waxa aan u yeedhayanaa xeroda magaceeda kabacdi waxa aan u sheegay in aan ubaahanhay in la ii soo saaro gaadhiga numbarka index kiisu uu yahay [3].

index ku waa tiro sumadeedka meesha lagu kaydiyay gaadhi walba. gaadhi walbaa wax uu wataa tiro ugaara. waxaana tirodaas lagu kala siiya sidii ay usoo kala horgaleen xeroda. midna ogsoonow marwalba tirada index ku waxa ay ka bilaabantaa eber (0).

lasoco qaybaha kale

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist