Ku xali Hal xidhaalo Soomaaliyeed Algorithm iyo Python.

Allaale
3 min readNov 7, 2021
Photo by Riho Kroll on Unsplash

Asc Soo dhawaada, manta waxa aan isku dayi doonaa in aynu xalino hal xidhaalayashii hore ee soomaalida inago u xalinayna hab programming ah ama mid casri ah oo la jaanqaadi karaya casrigan aynu taaganahay.

Hordhac

ma ogtahay in soomaalidu leedahay hab xisaabeed ay u xalinayaan dhibaatooyinka soo wajaha qaarkood mase ogtahay in ay soomaalidu lahaan jireen hab ay ku horu marin jireen maskaxda ilmahooda iyaga oo adeegsanaya laylis yo kala duwan qaarkood ay ahaayeen kuwo u baahan fikir badan. hababka ay maskaxda caruurta ku hor marin jireen waxaa kamid ahaa habka loo yaqaano hal xidhaalaha, googaalaysiga, iyo layliskaba.

Photo by Ismail Salad Osman Hajji dirir on Unsplash

Hadaba hababkaasi waa kuwo aad u cajiib badan, tusaale hal xidhaaluhu marmarka qaar waa uu adagyahay oo waxaaba laga yaabaa qof wayn hadii aad waydiiso in uu garan waayaba. Soomaalida oo ah kuwo kabaqa xisaabaha ayaa waxay ka dhigtay in uu horumariwaayo hal xidhaalayaasheenu. laakiin manta waxaynu isku dayi doonaa in aynu ugu dhigno sida ay fahmayaan soomaalida casrigu isla markaana aynu ku horumarinayno hal xidhaalayasheena taasoo noqon doonta mid indhaha caalamka u farta sida ay soomaalidu u ahaayeen kuwo wax hindisi karta ama mala awaali karta.

Hal xidhaalaha manta aynu Rabno in aynu xalino

Hal xidhaalaha aynu rabno in aynu xalino waxa uu ku odhanayaa sidan

Waxaad haysata galaan subag ah oo qaada sided galaan waxaa lagugu yidhi waxa aad u kala qaybisaa subagaas cibaado iyo caasha. cibaado waxa ay wadataa galaan shanqaad ah halka ay caashi wadato galaan sadex qaad ah. wax galaan ah oo lagu dardaraana ma yaalaan. hadaba sideebaad ugu kala qaybin lahayd oo aad usiin lahayd mid walba 4 gallaan.

1 xalitaanka Hab Algorithm oo ah pseudo code

# 1 buuxi sadexqaadka marka hore
# 2 kushub sadexqaadka ka shanqaadkaa
# 3 samee step 1 oo kale iyo step 2
# 4 ka shanqaada ah kaga shub ka sideed qaadka ah
# 5 ku shub sadexqaada ah halka kiiloo ee ku jira ka shanqaadka ah
# 6 samee step 1 iyo step 2 oo kale
# 7 done

Qaybta Programmingka

Hadii aad fahantay Algorithmka, inaad u rogto programmingkuna waxa uu noqonayaa mid fudud. waxa aynu adeegsan doonaa python language maadaama ay tahay mid usoo dhaw luuqada ibnu aadamku fahmo.

Marka u horaysa samayso meel kuu qaada magacyada sadexda qof, asha, ibado, iyo ali. ali oo ah adiga kasoo qaad in aad tahay galaanka buuxa ee sided qaadka ah markaa waa in aynu u ku kaydsanaa ali 8. asha iyo ibaadana waa in aynu tusinaa in ay madhan yihiin oo 0 yihin. intaas wixii ka danbeeya adeegso amarada ama conditions waxa loo yaqaano.

cali = 8

caasha = 0

cibaado = 0



if caasha == 0:

caasha = cali - 5

if caasha == 3:

cibaado = caasha

caasha = 0

cali = 5

print(cibaado, caasha, cali)



if caasha == 0:

caasha = cali - 2

cibaado += caasha - 1

cali = 2

caasha = 1

print(caasha,cibaado,cali)

if cibaado == 5:

cali += cibaado

cibaado = 0

cibaado += caasha

caasha = 0

if cali == 7:

caasha = cali - 4

print(cibaado, cali, caasha)





cibaado += caasha

caasha = 0

cali -= 3

print(cibaado, cali)

tusaalahaygani waa malyan steps mid kamida oo lagu qori karayo xalkan, laakiin isku day adna in aad samayn karto mid kan ka duwan isla markaan xalinaya caqabadan.

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist