sida laga helayo khubarada ku xeel dheer security ama adkaynta xogta isticmaalka social media’ha, waxa aad isku soo tarayay qaylo dhaanta laga qabo Appka loo yaqaan FaceApp, kaasoo bilihii u danbeeyay si wayn usoo shaacbaxay.
Appkan ayaaah mid ku tusi kara marxalada gabowga ama dhalinyarnimada kaasoo dhalan rogi kara wajiyadeena iyo jidhkeenaba . waxa kaloo ku jira inaaad sawirkaaga u yeeli kartid gadh hadaanad gadh lahayn iyo timaba. dadka qaar wax lagu maadsado ama chalange ayay ka dhigteen iyadoo si wayn laysu waydaarsanayay sawirada, laakiin xaqiiqdu way ka fogtahay taas aynu soo sheegnay waanay ka khatar badantahay .
FaceApp waxa uu soo galay hawada 2017 kii waxaana ikhtiraacday shirkad loo yaqaan wirleless app oo samaysa barnaamijyada loo yaqaan mobile applicions iyadoo ku sii xidhaysa barnaamujka artificial intelligence , taasoo laga leeyahay wadanka ruushka.
FaceApp waxu uu indhaha caalamka soo jiitay kadib markii ay isticmaaleen dad badan oo caan ah oo dunida aad looga yaqaano sida fanaaniin,ganacsato,jilayaal iyo xitaa hogaamiyayaal .
Hadaba maxaa ku jaban isticmaalka Appkan?
Dunidu waxay aad uga gilgilatay kadib markii la ogaaday in barnaamijkani yahay mid uruursanaya xogta dadka, kaasoo si fudud ku heli karaaya xog walba oo ku kaydsan mobilkaaga sida sawiradaada,contacts kaaga,meesha aad ku sugantahay iyo weliba documants kaaga .waxaana kaaga sii yaab badan inaga ayaa u ogalaanay inuu xogteena si fudud ku heli karo!!.
sidaad ugu ogolaatay inaad xogtaada siisid Appkan?
“fadalan ma isticmaali karaa camera roll kaaga ama kaydka sawiradaada ”, waa halka laga gali doono mobilkaaga loogana sii gudbi doona in lagaa helo sawiradaada oo dhan iyo xog walba oo ku kaydsan mobilkaaga sida contacts iyo meesha aad ku suganatahayba !! . waana shuruudaha uu kaa rabo inaad buuxisid hadii aad rabto inaad isticmaasho Appkan kaasoo ku tusinaya marxaladaha da’daada, hal sawir ayaad u fasaxday balse sawiradaadii oo dhan waxay ku dhici doonaan meesha xogta lagu kaydiyo ee FaceApp!!.
muxuu ku falayaa sawiradaada Appkani!!?
‘AI’ ama Artificial Intelligence waa ardayga hada tiknoolojiyada cusubi kusoo kordhisay dunida , kaasoo la rabo inuu sida bini’aadamka u fikiri karo taasoo hada la rabo in la baro kala garashada dadka wajiyadooda , caaalamku hada waxa uu tartan ugu jiraa sidii loo horumarin lahaa ardaygan waji baradkaa !
‘AI’ waa barnaamuj hada dunidan ku soo kordhay laakiin fikradiisu ay timi 1956, waxaana loo adeegsadaa waxyaalo badan sida kala garashada dadka,ka jawaabida fariimaha computerka ama websiteyada, ururinta xogta,isbadalka cimilida iwm..
Mucda Mowduuca FaceApp
khubarada caalamku barnaamijkan FaceApp way ka digeen, waxaanay ku tilmaameen mid shuruucdii kaydinta xogta ama privacy ga baal maray , iyagoo ku soo koobay u jeedada laga leeyahay laba u jeedo.
1:in la rabo in la horumariyo ‘AI’, si loo baro marxaladaha uu qofku marayo inta uu noolyahay sida isbadalada ku dhacaya wajiga,timaha,indhaha iyo korniinka jidhka .
2:si loo qoro Algorithm, analyze garaynkaraaya kala garashada sawiradaada markaad yarayd iyo markaad waynaatayba si loo baro aaladaha‘ AI ’korniinka jidhka iyo isbadalka ku dhaca jidhka qofka sida inuu yeeshay gadh ama inay timihiisu cadaadeen am ciroobeen ama inay bidaari gashayba. taasoo laga leeyahay u jeedooyin fog oo dhinaca horumarka iyo security ga ah …
maxaa kula gudboon hadaba adiga
iska jir inaad si fudud ugu fasaxdo barnaamij walba ama App walba oo aad kasoo dajisatay AppStore ka ama Play store ka mobilkaaga, aad u fasaxdid inuu xogtaada isticmaali karo . Akhri had iyo jeer shuruucda Appkani wato hana dhayalsan ..
‘ha aaminin App walba oo socila media ha ku jira, iskana akhri shuruucda iyo xeerarka App walba u yaala ’