Iska Ilaw JS hada Kadib, Isticmaal Python + HTML

Allaale
3 min readMay 19, 2022
Photo by Niels Kehl on Unsplash

PyScript framework ayaa lasoo saaray dhawaan taasoo ka caawin doonta dadka developers ka ah in ay ku isticmaalaan websitekooga python iyagoo adeegsanaya html + python, waliba hab aad u fudud.

Hadaba Waamaxay Pyscript Framework?

PyScript waa python framework taas oo kuu sahlaysa in aad ku dhex isticmaasho gudaha HTML ee dhinaca websiteka. PyScript waxa aas aasay Peter Wang, Philip Rudiger, iyo Fabio Pliger. Waxaa marki u horaysay si rasmi ah loo soo saaray 30 April, 2022.

Pyscript waxa ay isticmaashaa tags kaas oo ah py-script tag si ay ugu xidhanto isla markaana ula shaqayso python code websiteka dhexdiisa.

Sidee baad u adeegsan kartaa Pyscript

Si aad ugu dhex isticmaasho code ka aad qortay ee HTML-sha ah, kaliya waxa aad code kaaga ku daraysaa pyscript tags.

halkan ka eeg tixraaca: https://pyscript.net/

Tusaale

<!DOCTYPE html><html lang="en"><head><link rel="stylesheet" href="https://pyscript.net/alpha/pyscript.css" /><script defer src="https://pyscript.net/alpha/pyscript.js"></script><meta charset="UTF-8"><meta http-equiv="X-UA-Compatible" content="IE=edge"><meta name="viewport" content="width=device-width, initial-scale=1.0"><title>Document</title></head><body><py-script src="./no.py">  </py-script>|</body></html>

Hagaag sida aad ku aragto tusaalahan sare waa aas aaska website ka inaga oo ku qornay kaliya HTML. laakiin hada aad eegto body tag-ga waxa aad ku arkaysaa tag ku cusub tags kii aad ku taaqanay HTML-ka. Hagaag. tag-kani waa tag-ka inoo fudaydinaya in aynu si hufan oo fudud ugu isticmaali karno websitekeen inga oo aan ubaahnayn backend kale. kaliya intaas ayay inooga baahantahay in aynu ku isticmalno website keena python.

Py-script tag waxa uu inoo qaadayaaa src= “./no.py” kaas oo ah source code ka python kaas oo inoo yaala source kale isla folder ka ay inoogu jirto index.html ka. waana habka ugu wacan si aad u qorto code nadiif ah oo aan lahayn wax error ah isla markaana la fahmi karayo. maadaama python code ka marka aad qorayso ay qasabtahay inaad tix galiso mar walba indent-ka.

Hagaag,hadaba si aynu u ogaano in python la shaqaynayso website keena, waa in aynu browser ka ku furnaa code keene. laakiin waa in ay kuu diyaar yihiin dhinacii kale code kii python ta, si aynu u aragno fal-gal ka dhaca.

Tusaalaha Python.

Tusaalahan waxa aan samayn doonaa in aan kaydsano arday kaas oo aynu ku kaydsan doono xero ama list, isla markaana ayanu isku dayi doono in aynu lasoo baxno waxa ay ku kaydsanay xeradaasi(list).

myStudents = [' Adan', ' sumaya', ' mahad', ' ali']for students in myStudents:print(students)

ogow code kani waa code python ah oo aynu ku diyaarsanay isla folderka ay HTML inoogu jirto.

Hagaag bal aynu is ku dayno in aynu browser keenu ku dhex orodsiino file code keena.

wow, waa aynu ku guulaysanay in aynu python ku dhisno website inaga oo adeegsanayna HTML + Python.

NB. waxa laga yaabaa in aanay ku qancin marka hore oo aad yara dareento in laga fiicanyahay python, laakiin ogsoonow tani wali waa bilow waxaase soo socda wax wayn oo badali doona dhawaan jihada loo socdo.

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist