Waa wasiirka maaliyada ee dawlada federaalka Soomaaliya ahna Ex-wasiir Arimo dibadeed ee dawladii hore ee xasan sh maxamuud.
Waa muwaadin soomaaliyeed oo jecel inuu umadiisa wax u qabto , waa maskaxda iyo mashiinka dawlada haatan taagan ee federaalka Soomaaliya , waa sharafta iyo cisiga umadda Soomaaliyeed , waa guubaabiyaha dhinaca wanaaga , waa rajo soo noolaynta umada Soomaaliyeed ..
Dr bayle waxa uu umada soomaaliyeed u soo hooyay guulo waawayn tan iyo intii uu kusoo biiray siyaasada iyo inuu u shaqeeyo ummadiisa .
Waxa aad loo ogyahay horumarka uu ka sameeyay dhaqaalaha wadanka, kaas oo isbadal la taaban karo ku sameeyay dhinaca kobcinta iyo kaydinta dhaqaalaha wadanka.
Mr Bayle waa nin ku takhasusay dhinaca dhaqaalaha, waxaanu horumar faro badan ka sameeyay bankiyo dhawra oo ku kala yaala daafaha caalamka , haatana waxa uu u xadhko xirtay sidii uu wadankiisa hooyo dhaqaalo xumida uga saari lahaa.
Mr Bayle sida la ogyahay tan iyo markii loo gacan galiyay maaliyada wadanka waxa uu hoos u dhigay musuqmaasuqii baahsanaa ee wadanka ka jiray taas oo wadanka Soomaaliya ka dhigaysay wadamada ugu musuqa badan leh caalamka , Bayle ayaa sameeyay hanaan wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo musuqmaasuqa baahsan ee wadanka ragaadiyay tan iyo waagii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Shacabka ku dhaqan Soomaaliya guud ahaan ayaa waxay ka markhaati kacayaan is badalka xawliga ku socda ee uu wasiirku kasameeyay dhinaca kobcinta dhaqaalaha isaga oo gaadhsiiyay dhaqaaalaha wadanka meeshii ugu saraysay burburkii ka dib.
Waxa uu Sameeyay hanaan ay hufnaani ku dheehan tahay oo lagu tayaynayo ciidamada dawlada, waxa uu diwaan galiyay tirada ciidanka isaga oo u sameeyay hanaan lagu ogaan karo inta ciidan ay leedahay dawlada federaalka Soomaaliya , waxa kale oo uu sameeyay hanaan taransparent ah oo mushaharka shaqaalaha dawladu si fudud ay ku qaadan karaan mushaharkooga marka lagaadho bisha.
Wasiir bayle waxa uu ku guulaystay in mushaharka ciidamada loo kordhiyo boqolkiiba boqol taasoo noqonaysa in askari walba oo aka tirsan ciidamada Soomaaliya loo kordhiyay $70 taasoo ka dhigaysa in askari walba oo Soomaaliyeed uu qaadan doono $230 . waxaa uu wasiirku kusoo bandhigay qorshahan madasha shaacinta miisaaniyada 2020. taasoo golaha wasiirada iyo Raysal wasaaraha wadanku ay aad usoo dhaweeyeen ayna ku tilmaameen guul usoo hooyatay Xukuumada haatan talada hasya ee gadhwadeenka ka yahay Farmaajo gaar ahaan Wasiirka maaliyada oo lgu tilmaamay shaqsigii ugu waxqabadka badnaa Sanadadii lasoo dhaafay.
Wasiir Bayle waxa uu hore u soo maray wasaarada Arimaha dibada ee xiligii Xasan Sh Maxamuud, Xiligaas oo uu ahaa wasaarada Arimaha dibada waxa uu usoo hooyay wadanka guulo taariikhiya isaga oo dib usoo celiyay sharaftii ay lahayd wasaarada Arimaha dibadu , waxa aad loogu xasuustaa dib u habayntii balaadhnayd ee uu ku sameeyay wasaarada arimaha dibada .
Xiligii uu joogay wasaarada Arimaha dibada guulaha la taaban karo ee usoo hooyay waxa ugu waawaynaa in Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ay isku diyaariso inay martigaliso shir waynihii urur goboleedka( IGAD) taasoo ka dhigaysa markii i horaysay tan iyo burburkii kadib in ay muqdisho marti galiso kulankan, waxa kale oo uu ku guulaystay in Safaarado badan oo aan shaqayn jirin dib loo furo.
Wasiirku waa xildhibaan golaha barlamaanka Soomaaliya ah waxaana laga soo doortaa gobolada waqooyiga gaar ahanaan gobolka Awdal.
Mudane Bayle waa Sama fale jecel inuu bulshadiisa wax u qabto , waxaana aad loo ogyahay sida uu uga qayb qaato caawinta dadka tabaalaysan. Bayle in uu dadka baahan caawiyo waxa ay soo bilaabantay tan iyo markii uu madax ka ahaa bangiyada caalamka qaarkod waana wax uu mar walba aad u jeclaaa inuu umadiisa wax u qabto inta uu karaayo ha ahaado shaqaale meheradeed iyo shaqaale umadeedba . Waxa xasuus mudan in uu dhisay iskuulka wayn ee kuyaala gobolka Awdal ee loo yaqaano Geb boarding school.
Dr Bayle waa maanso yahan, kaasoo afkaartiisa ku gudbiya hab suugaaneed , waxa uu curiyay heeso faro badan oo uu umada soomaaliyeed ku baraarujinaayo isaga oo mar walba abaara xaga ay ummada soomaaliyeed ka kici laadahay , waxa uu isku dayaa inuu fahansiiyo hawlaha adag ee horyaala umada soomaaliyeed taasoo ay laga maarmaan tahay inay ka guulaystaan.
maansooyinka aadka u cajiibka ah ee uu Dr Bayle tiriyay waxa kamid ahaa maansadii uu ugu magacdaray (Dadyahow faataxada mara) , maansadan oo uu ku baahiyay barahiisa bulshada ee facebook dhawaanahan, waxaanay maansadu guubaabinaysaa isla markaan hogatusaalaynaysaa ummada Soomaaliyeed , waxaanay maansadu taabanaysaa dhinacyo badan oo xaga horumarka ah,
hadii aan soo qaato tuduc kamida heesta Dadyahow faataxada mara waxay odhanaysaa sida tan:
Haddana Cali Faahiyoow
Rabbaa faxanoo jiree
Hawada an ka faaliyee
Tus iyo fooraan arkaa yoo
Fad baa bari iga muuqda
Barwaaqada foolanaysa
Xarreeddiyo falalaxdeeda
Sadaashu ma foolxumoo
Wakaa falaggii isbeddeley
Farriintaan kuu laqimay
Inaad fidisay ahayde
Haddaad la fadhiisanyaso
Fidhaa igu Taaganoo
Aniga fadhi iima yaalle
Dadyohow faataxada Mara
aan so qaato heestii iyadna aadka u wanaagsanayd ee uu ugu magac daray wasiirku (inaad damqatay ahayd)
Inaad damqatay ahayd
Dr. Abdirahman Beileh
Habeenkoo daaha rogay
Cirkoo darandoorrigiisa
Daruuruhu hibitiqeen
Dabaylaha xaysku wado
Intaan di’in roobka weyni
Duufannadu soo mir kicin
intaan kugu faafin daadku
Dugaaggu dhashaada feenan
Docdaada fadhiisinkeeda
Inaad dadabtay ahayd
Hadduu layligu dibboodu
Illayn dabartaa ku filan
Ogow da’yartaay la soco
Dooddayduna yey ku seegin
Dareenna u yeesha weedhan
Indhaha labadooda dacal
Dul iyo hoos ha u furmmaan
Duqayda warkooda raaca
Dalkanna idinkaa iskale
Dadyohow Somaaliyeed
Dabkaan islahayn bakhtiiya
Karkaan islahayn ha damo
Maxay dogob saarayaan
Kabrriidnna ku daarayaan
Maxa dumiyaan hankeenna!
Macay dumayaan xolaad
Dantooda maxay wataan
Durbbaan u garacayaan
Maxay dabin qoolayaan
Reerkaan islahayn ha dego
Maxay duwayaan jidkiisa
Dadaalka haloosigeenna
Maxay docfaruurayaan
Waxay dibin daabyadooda
Waxay dabayaan ishooda
Dushaasaan kala socdaa
Dareenkaygaan qabaayoo
Jidhkaa i dubaaxiyoo
Aniga meelay damqada
Dad soo jeedan ahayne
Dammiir ku socdaan ahayne
Ninkii dura hawleheenna
Dagaal ka xigtaan ahayd
Hankeennii maxaa dalooshay
Daabkii gudumada ka saaray
Baddeeniyo daafeheeda
Dhulkeenniyo daaqsintiisa
Hadday wada doonayaan
Inaan iska diidnno oon
Digiigixannay ahayd
Dagaal ka xignnay ahayd
Da’deenna yar ee kacaysa
Dalaanddalinnay ahayd
Maxaa doqonniimo keenay
Maxaa duhurka inna seexshay!
Daabkii gudimada ka saaray
Dadyohow kaca oo ka kaca
Kacoo dabarka iska gooya
Kacoo dawankiyo caroogga
Duleeddada ula baxoo
Kacoo danihiinna raacda