Hal xidhaalaha Labaad Python + Algorithm

Allaale
3 min readNov 11, 2021

Halxiraalayaashu waxaa ay door muhiima ka ciyaaraan korinta iyo kobcinta maskaxda qofka, wuxuu qofka jawaabaha raadinayaa sameeyaa maskax-tuujin (brainstorming), sida ay saynis yahanadu inoo sheegeen iinsaanku nisbo ama saami kayar 1% ayuu ka isticmaala maskaxdiisa.

maxaad umalayn lahayd hadii uu ka isticmaalo saami gaaraya 10%, isagoo 1% kayar isticmaalayuu teknolojiyadaa casrigaa aduunka kusoo kardhiyee?.

Photo by Ismail Salad Osman Hajji dirir on Unsplash

Maanta waxa aynu samayni doonaa waliba hab casri ah u samayn doonaa ciyaar caruureed kii hore, kaas oo ay caruurtu isku madadaalin jireen isla markaana ay ku kobcin jireen maskaxdooda. ha dhayalsan marmarka qaar ciyaar caruureedka waxa ku hoos jirta dagid la dagayo maskaxdaada, waayo waxa laga yaabaa in ay jawaabtu tahay mid aanad filayn. ogsoonow ciyaarta waxa aynu ka dhigaynaa mid casri ah oo uu computerku inala ciyaari karo ama adiguba computrkaaga la ciyaari kartid.

ciyaartu waxa ay ku odhanaysaa sidan

tiro qabso, saaxiibkaana in leeg ugu gee, ana tiro iigu dar, kala qaybi, qayb tuur, saaxiibkaa intiisii u celi, ugu danbayntana waxaad sheegaysaa inta tiro ee usoo hadhay.

Ciyaartani waa ay fududahay laakiin waa inaad fahantaa sida jawaabta saxda ah loo helaayo. Jawaabta saxda ah waxaad ku helaysaa in aad tiradii aad adigu qabsatay aad labo u qaybiso.

ku samee marka hore Algorithm

tiro qabso Taas oo ah number kasta oo aan ahayn mid kajar aan wadan ama aan ahayn mid aan wadan minus (-) una qaado tiradaasi N, sidoo kale ugu gee intaas in leeg saaxiibka N + N, anigana iigu dar tiro tiradaas oo ah mid aan wadanin minus (-) una qaado xaraf X, kalaqaybi N isla markaana qayb tuur, saaxiibkaana intiisii u celi, jawaabtu waxa ay lamid tahay X / 2.

Photo by Ismail Salad Osman Hajji dirir on Unsplash

Qaybta Programming ka waxa aan ku diyaariyay python, luuqadan waxa aan u doortay waxa ay u soo dhawdahay luuqadaha ibnu aadmku fahmi karo. waxa kale oo ay u tahay fudayd qof walba oo bilaabaya barashada luuqadaha computerka.

import random



wordList = input('fadlan hadaad rabto inaan kula cayaaro si sax ah u raac talaa booyinkan, '
'\n 1: Tiro qabso, 2: Saaxiibkaana in leeg ugu gee. '
)


numberList = [10,20,8,4,6,12,14,30,50,18,22,54,60,52,96,120,70,80]
doorasho = random.choice(numberList)
gaym = input('masamaysay: ')
if gaym == 'haa':
print('anigana iigu gee ', doorasho)
ugee = input( 'haye taabo hadii aad u gaysay: ')
if ugee == 'haye':
dan = input('kala qaybi tirada aad hayso , qayb tuur , '
'\n saaxiibkaana intiisii u celi ,'
'\n soo qor done hadii aad talaabooyinkaas aad samaysay '
)
last = doorasho / 2
print('waxa soo hadhay: ', int(last))

Halkani wax cusub kumaan soo dirin ee waa sida aad u soo akhriday algorithm ka si lamida ayaan ugu qoray code. xaga u baahan i aad fahanto ayaa waxa ay tahay numberada sideebuu computerku ugu darsanayaa isagu taas oo larabo in laga dhex helo jawaabta saxda ah. hadaad eegto variable ka magaciisu yahay numberList waxa uu inoo kaydinayaa numbaro faro badan numbaradaasi waa kuwa aynu rabno in aynu ka dhex doorano si bood boodleh ama random ah. eeg hadana variable ka loo yaqaano doorasho variable kani waxa uu inoo doorayaa numbarada ku jira variable ka loo yaqaano numberList isla markaana waa uu inoo kaydinayaa, waana ka inoo sahlaya in uu computrku ina tuso numberka uu isagu sooxushay. itaas wixii ka danbeeya kaliya code ku waxa uu samaynayaa numbarka uu xushay computerku ayaa uu laba u qaybinayaa isla markaana inoo sheegayaana jawaabta saxda ah.

aad ayay u fududahay saw maaha, kaliya in aad caqli yara adeegsato ayuun buu kaa rabaa.

Habkaygani waa kumanaan hab oo kamida sida loo xaliyo code kan oo kale laakiin bal adna isku day in aad ku xalin karto hab kale oo ka duwan kaygan.

Ku raaxayso qorida programmingka, ogsoonowna in aad adigu tahay ka ka caqli badan computerka.

python enthusiast Abdiaziz isse Ibrahim.

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist