F8 2019 Mustaqbalka Cusub ee Facebook

Allaale
4 min readNov 10, 2019

--

Maanta waxaynu ka hadli doona mustaqbalka cusub ee uu aabaha facebook mr zuck uu daaha ka rogay bilihii lasoo dhaafay, kaasoo ku lafa guray bandhiga uu ugu magaca daray “f8 2019” kaasoo Sumad looga dhigay “privacy-focused” ama adkaynta Xogta . Mr Zuck waxa uu ku doodayaa inaanuu Facebooku awal ahaan jirin mid si dhaba xogta u kaydiya ama u adkeeya una xafida sidii la rabay. waxa uu hada sheegay in facebook ku guulaystay xalinta xafidaada qofka xogtiisa taasoo noqonaysa tii ugu adkayd abid . waxa kale oo lagu soo bandhigay madasha “f8” muuqaalo cusub oo lagu soo kordhin doono Facebook,Instagram ,Messenger iyo whattsapp.

Messenger

Zuck waxa uu si adag uga faalooday sida ay uga go’antahay shirkadiisu inay adkayso xogta qofka. waliba marka uu ku isticmaalayo meelaha bulshadu ku kulanto, wax kale oo uu hoosta ka xariiqay in Messengerku noqon doono mid Fudud isla markaana xawaare sare leh, sidoo kale waxa lagusoo kordhiyay in messengerka lagu shuban doono laptopyada Mac iyo windows labadaba. taasoo kuu sahlaysa inaanad ka isticmaalin browserka adigoo usii dhexmaray bogga faceboka ee aad toos u kicin doonto Applicationka Messengerka.

sanadka soo socda waxa ay shirkada facebook cadaysay in Messengerku noqon doono mid xawaarihiisu uu aad u sareeyo a kasoo kusoo kici doona applicationkiisu in ka yar 1.3 second/ilbidhiqsi.

Sidoo kale Massengerka muuqaalada lagusoo kordhiyay waxa kamida in aad awood u yeelan doontid inaad la xidhiidhi karto Applicationada kale sida WhatsApp iyo Instagram adiga oo ka Wici kara Call,Video Call iyo Text caadi ahba adoo adeegsanaya isla Messengerkaaga.

Photo by Merakist on Unsplash

Facebook

Facebook waaa isku xidhka dadwaynaha waana bogga ugu wayn ee dadwaynaha aduunyada ku kala nooli ay ku ku kulmaan maalin walba . Facebook waxa uu xooga saaray oo uu dib uhabayn balaaadhan ku sameeyay Newsfeedka iyo Groupka ama pagegka kooxaysiga. taasoo uu usameeyay muuqaalo kaa caawin doona wararka ama meelaha aad jeceshay inaad si fudud aad ku heli karto. tani waxay fursad siin doontaa ganacsatada taasoo ka caawin doonta inay alaabtooda suuqgayn fiican u helaan iyaga oo isla markiiba heli doona ama garana doona waxay jecelyihiin macaamiishoodu.

Facebook waxa uu kusoo muuqaal cajiiba oo lawada sugaayay kaasoo ah “Facebook Dating”.

Facebook Dating ayaa ka bilaabmaya hada U.S dabayaaqada sanadkan . waa programm kaa saacidi doona inaad hesho lamaane aad xidhiidh wada sheekaysi aad yeelataan. waxaana aad loo adkeeyay xogtiisa taasoo aad qarin karaysid cida aad xidhiidhka wada leedihiin . habka lagu qariyo ayaa loogu yeedhay hab aad iyo aad u wanaagsan waxaana loogu mgac daray “Secret Crush”. Si fudud ayaa u dooran doonta qofka aad doonayso inaad xidhiidh wada samaysaan adigoo u maraya Secret Crush isla markaana waa uu isku kiin xidhayaa .

Photo by Kristina Flour on Unsplash

INSTAGRAM

Instagram isagana wax sandkan lagu kordhin doonaa muuqaalo cusub laakiinse u badan dhinaca businesska ama meheradaha ganacsiga kuwaasoo page kule instagram iyo facebook.

muuqaalada lagu soo Kordhiyay waxa kamida in aad ku diri karto lacag adigoo adeegsanaya isla instagram adoo ku bixin doonaa biilka alaabata aad iibsatay. sidoo kale wax lagusoo kordhiyay Donation Sticker kaasoo qaban doona lacagaha lagu donate gareeyo. shirkadu waxa kale oo ay wadaa in ay qariso “like’ta” taasoo rabta inay gabi ahaanba meesha ka saarto calaamada Like’ta.

Photo by NeONBRAND on Unsplash

WhatsApp

F8 waxa lagu soo bandhigay muuqaalo cusub oo aad u cajiiba . WhatsApp wuxuu kamid ahaa Applicationada Muuqaalo dheeraada lagusoo kordhiyay. waxa ka mida muuqaalada lagusoo kordhiyay “Product Catalog” ama inaadkusoo bandhigi karto alaabaha mehradaada taasoo dadka isticmaala WhatssApp ay si fudud u iibsan karayaan alaabaha ay meheradaadu hayso.

WhatsApp ayaa muuqaalkan ku tijaabiyay dalka India taasoo dadku ay aad ugu riyaaqeen muuqaalkan.

WhatsApp ayaa u muuqda mid ka faa’idaysinaya daka faraha ee isticmaala Applicationkan taasoo lagu qiyaasay inay isticmaal 1.5 billion oo qof aduunka oo dhan.

Photo by Christian Wiediger on Unsplash

Allaale IT Research

--

--

Allaale
Allaale

Written by Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist

No responses yet