BARASHADA PYTHON PROGRAMMING(BEGINNERS)

Allaale
6 min readFeb 27, 2022
Photo by Alex Chumak on Unsplash

Cutubka ugu horeeya waxa aynu ku baran doonaa sida loo isticmaalo luuqada pyhton. sida caadada u ah programka, waxa aynu qori doonaa code keena ugu horeeyay oo noqon doona Hello world. Balse marka hore waa in aynu iska eegnaa in ay python ku jirto computer keena. hadaanay ku jirIn waxa kugu waajiba in aad lasoo degto python isla markaana aad ku duubtid computerkaaga. sidoo kale waxa aad ubaahantahay in aad lasoo degtid madal aad ku kobcisid luuqada python, ha ahaato VScode, sublime text, atom iwm.

Sida loo Rukunto Madasha Programming ka

Hal mid ogsoonow python’tu waa ay kuyara kala duwantahay marka lagu shubayo operating systems’ ka kala duwan. waxa aan isku dayi doonaa in aan kutuso sida loogu duubo windows’ka, Mac OS iyo ubuntu oo ah linux.

Python Versions

Waxaad ogaataa in progranning walbaaba uu la imaado fikrado cusub isla markaana koboc lagu sameeyo maalinba maalinta kasii danbaysa, iyadoo wax laga badalayo, wax cusubna lagusoo kordhinaayo. hadaba waa muhiim in aad isticmaasho version ka ugu danbeeya ee luuqada python’ta. waqti xaadirkan aan qoraayo qormadan version ka ugu danbeeya ee hada la maraayo waa 3.10.2. laakiin hadii aad isticmaalayso 3.7 iyo waxa kasareeya waa caadi oo waa aad isticmaali karaysaa siwacana waa uu kuugu shaqaynayaa. balse marka hore waa inaad iska hubisaa in version ka aad isticmaalaysaa uu yahay mid lasocda versions ka cusub. waxa laga yaabaa in projectiyda qaar ay wali ku haboon yihiin version 2 laakiin mar walba waxa haboon in aad isticmaasho python version 3. kudaa oo version 2 adigoo sido kalana ku duubaya version 3.

Vscode editor.

VScode editor waa madal ku haboon luuqad walba oo aad rabto in aad aas aasto, waana madal aad si fudud aad u isticmaali karayso. isticmaalka Vscode waa mid fudud waana wax qof walbaaba uu la qabsan karayo isticmaalkiisa. laakiin waxaa xusid mudan in aad isticmaali karto madal walba oo aad adigu xiisaynayso sida pycharm, Vscode, Atom, Sublime text.

Python iyo Operating systems‘ka kala duwan.

luuqada Python tu waa mid ah cross platform yacni waa aaad ku isticmaali karaysaa operating system walba oo ku jira computerkaaga, ha ahaado windows, Mac, Linux. Isku si ayaana loo wada is ticmaali karaa, kaliya waxa ay kukala duwan yihiini waa wax aad ukooban.

Waxa aynu baran doonaa sida loogu duubo luuqada python iyo qalabkeedaba operating systems ka kala duwan.

  1. Python on Windows

Badanaa Windows’yadu lagama helo ama kuma imaadaan iyadoo ay luuqada python ku duuubantahay system kaaga, laakiin waa lagu duubaa. markaa waxa kugu waajib ah hadaad isticmaasho windows in aad lasoo degto python, isla markaana aad ku duubtid windows’kaaga, ka bacdi waa in aad lasoo degtaa madashii aad ku kobcin lahayd luuqada ee Vscode ama Atom amaba sublime text.

Installing Python

Ugu horayn, hubi in ay python hore kuugu duubnayd windows’kaaga. Fur command window’kaaga kabacdina ku qor command xaga laga raadiyo menu. ka bacdi marka uu kuu furmo terminal ku waxaad ku qortaa python oo ah xarfo yaryar. hadii jawaabta uu kusiiyaa noqoto sida tan (>>>) waxa ay ka dhigantahay computerkaaga waa ay ku duubantahay python. laakiin hadii aad aragto error message, dhambaal kaasoo kuu sheegaaya in aanu aqoonsan python taasi waxa ay ka dhigantahay python kuma jirto windows’kaaga.

Hadaba waa in aynu soo dejisanaa python inagoo dooranayna version kii u danbeeyay. si aad u hesho waxaad booqanaysaa linkigan https://python.org/ kabacdi kasii tag dowloading adigoo beegsanaya versions ka u danbeeya. ka bacdi ku dhufo buttonka dowload dabadeed isaga ayaa si iskii ah u bilaabay in uu kuugu shubo python laptop’kaaga. marka uu dhameeyo fileka dowload garaysiinta ku dhufo file ka si aad ugu duubto systemkaaga python’ta.

Tijaabin

Fur mar labaad command ka ama daaqada madow ee windows’kaaga kabacdina ku qor python oo ah shaqal yaryar. markan waxa aad arki doontaa dhambaal sheegaya nooca python ee kuugu jirta windowkaaga.

Installing Vscode

waxaad kala soo degi kartaa Vscode’ka linkigan https://code.visualstudio.com/. kudhufo buttonka dowload si laguugu dowload gareeyo version kii u danbeeyay. marka uu dhamaystiro shaqada soo degitaanka kabacdi ku duub file ka systemkaaga.

2. Python on macOS

python waa ay ku duuban tahay badanaa macOs system yada, laakiin badanaa waa versions hore. laakiin waxa aynu isku dayaynaa in aynu barano sida loola soo dego python hadii aad haysato macOs.

Iska fiiri marka hore in ay kuugu jirto Laptopkaaga.

Fur terminal ka adoo tagaya search bar ka kabacdina ku qoraya Terminal, Kabacdi Enter ku dhufo. kuqor terminalka python oo shaqal yaryar ah, enter ku dhufo kabacdi eeg dhambaalka kuusoo baxa. hadii dhambaalka kuusoo baxaa uu u dhigan yahay sida tan.

dhambaalkani waxa uu inoo sheegayaa in python ay ku duubantahay system’keena. dhambaalkani waxa uu cadaynayaa sidoo kale in python3 ay ku dubantahay systemkaaga. lakiin hadii aad eragto dhambaal kuu sheegaaya error, error kas oo ah in aanu garanayn systemkaagu python3 ama python taas macanaheedu waa kuma duubna systemkeena python. hadaba sidan ugu duub hadii aad tahay isticmaalayaasha macOs.

Installing the latest version of Python

booqo https://www.python.org/downloads/ kabacdi waxa uu ku gayn doonaa meesha laga helayo versions ka cusub ee ugu danbeeyay. sida ka muuqata sawirkan.

ku dhufo button ka dowload python ka bacdi waxa kuu bilaabmi doona in file ku kuu dego. marka uu file ku dhameeyo soo degitaanka kabacdi ku duub adigoo click siinaya file ka. intaas ka bacdi waxa aad iska hubisaa version ka kuugu duuban hada computerkaaga adigoo kuqoraya sida tan terminalkaaga.

abdiaziz @ Abdis - MacBook - Pro~ % python3 - -version
Python 3.9 .10
abdiaziz @ Abdis - MacBook - Pro~ %

hagaag hada waxa kuugu duuban systemkaaga version kii u danbeeyay ee python3 sidoo kale ku qor isla terminal ka sidan

>>> print(“Hello Python interpreter!”)
Hello Python interpreter!
>>>

hadii uu kusoo saaro Hello Python interpreter, aloore wax walbaaba waa ay kuu dhamaystiran yihiin.

Installing Vscode

kabacdi marka aad rukumato python waxa lagaaga baahanyahay madashii aad ku kobcin lahayd ama aad ku dhisi lahayd python. madashaasi waxa ay noqon karta Vscode, Sublime text, Atom,iwm. hadaba adiga ka kucajab galiya lasoo deg. anigu waxa aan isticmaali doonaa Vscode iyo pycharm.

Si aad ulasoo degto Vscode linkigan raac https://code.visualstudio.com/ kudhufo buttonka dowload si laguugu dowload gareeyo version kii u danbeeyay. marka uu dhamaystiro shaqada soo degitaanka kabacdi ku duub file ka systemkaaga.

3. Python on Linux

Sida aynu lawada socono, linux ka waxa loo qaabeeyay hab dadka wax develop gareeyayi ay jecelyihiin. markaa waasida macOs ‘ka oo waa uu ku duubanyahay python system walba oo ad ka isticmaalayso linux. hadaba wax saasa kuma sii kala duwana marka aad rabto in aad ku duubato python adigoo adeegsanaya linux.

Iska hubi version kii hore ee kuugu duubnaa systemkaaga.

fur terminalka hadii aad isticmaalayso ubuntu isku taabo(CTR-ALT-T) kabacdi kuqor terminal ka python3 kadib taabo Enter. waa in aad arki kartaa dhambaakan oo kale.

$ python3
Python3.10.2(default, Feb 272022, 04: 01:51)
[GCC 7.3.0]on linux
Type "help", "copyright", "credits" or "license"for more information.>>>

dhambaalkani waxa uu kuu sheegayaa in python 3.10.2 ay ku duubantahay systemkaaga. markaad ogaatid version ka kuugu jiraa nooca uu yahay fadlan isk xidh terminal ka adiga oo isku taabanay CTR-D .

intaas ka bacdi lasoo deg madashii aad ku kobcin lahayd python’ta. sida Vscode, Sublime text, iwm.

Installing Vscode

booqo linkigan https://code.visualstudio.com/docs/?dv=linux64_deb. taabo buttonka dowload. marka file ka uu dhamaystiro degitaanka ku duub systemkaaga Vscode.

Guubaabo

Waxa aynu kasoo gudubnay jaranjarooyinka loo baahanyahay in aad marto marka aad rabto in aad isticmaasho luuqada python. siwacan u raac talaabooyinkan adigoo dooranaya nooca uu yahay laptobkaagu, ama nooca operating system ee aad isticmaalayso.

Lecture 2 Variables and Simple Data Types

Lecture kan waxa aynu ku baran doonaa qaybaha kala duwan ee sida loogu shaqeeyo kaydinta xogta adiga oo adeegsanaaya luuqada python. sidoo kale waxa aynu ku baran doonaa sida loo isticmaalo variables ka si ay kuugu kaydiyaan xogtaada.

Adeegsiga Variable

dhambaal = "Hello World!"
print(dhambaal)

Marka aad run garayso program kan waxa kuu soo bixi doonaa waxa uu noqonayaa sidan

Hello World!!

waxa aynu abuuranay variable aynu u bixinay dhambaal, Ka bacdi wax aynu ku kaydsanay value, value gaas oo aynu ka dhiganay “Hello World!” oo xarfo qoraaleed. waana line ka u horeeya ee ugu hor kacaya marka uu programku kaco. marka la gaadho line ka labaad oo ah print(Dhambaal) waaxa uu inoo soo saarayaa wax alaale waxii aynu kaydsanay variable keenii aynu ula baxnay Dhambaal, isla markaana waxa aynu ka arki doonaa shaahada. oo waxa uu inagu soo celin doonaa qoraalkan.

Hello World!!

tusaale2…Lasoco

--

--

Allaale

Msc.in computer science and engineering, WordPress Developer, Flutter developer, Pythonist